Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Looga Shakisanyahay Xanuunka Korona & Baadhitaankiisa Oo La Sugayo.

0
53

 

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa looga shakisanyahay xanuunka Korona kadib markii lagu arkay calaamado uu leeyahay xanuunku.

Xiddiga reer Germany ayaa haatan ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa Germany waxana uu seegay kulankii uu xulkiisu bar-baraha la galay xulka Turkey xalay.

Wararka ka imanaya dalka Germany ayaa sheegaya in xiddiga haatan karantiil la galiyay sidoo kale laga qaaday baadhitaanka xanuunka adduunka ku faafaya.

Timo Werner ayaa muujiyay calaamado xumad iyo qufac ah taas oo keentay in laga karantiilo xiddigaha xulka qaranka Germany kadib markii uu ku soo biiray.

Chelsea ayaa haatan si joogto ah ula xidhiidhaysa maamulka xulka qaranka Germany iyaga oo sugaya natiijada ka soo baxda baadhitaanka xiddiga laga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here