Xiddig Bartilmaameed U Ah Man City Oo Si Maldahan U Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Kooxdiisa.

0
66

 

Daafaca reer Portugal Ruben Dias ayaa si maldahan u sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Benfica iyadoo la isla dhexmarayo inuu u dhaqaaqayo Manchester City.

Inkasta oo ay kooxda keentay Nathan Ake hadana Man City ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa daafacyo cusub iyada oo lala xidhiidhinayay xiddigaha Kalidou Koulibaly, Jules Kounde iyo Jose Gimenez.

Xilli uu Pep Guardiola doonayo in uu daafac cusub keeno kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Citizens wadahadalo kula jirto kooxda Benfica kaas oo ay 50 ku doonayaan.

Haatan, 23 jirkaan ayaa umuuqda inuu xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxdii uu ku qaatay 12 sano kadib markii uu gool u dhaliyay kulankii 2/0 kaga badisay kooxda Moreirense sabtidii.

“Aad ayaan u faraxsanahay, waxa uu ahaa kulan ii muhiim ah in aan ku soo xidho gool, aniga waxa ay ahayd mid ii khaas ah”.

“Waxa ay ii ahayd wakhti khaas, waxan u malaynayaa in ay cid walba garanayso sababta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here