Xaqiiqooyinka La Yaabka Leh Ee Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ceebta Adduunku Soo Raacday Liverpool.

0
45

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro ceeb ka soo gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Villa Park kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Reds ayaa dhabarka loo saaray guuldaradii ugu horaysya ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kulan ay soo bandhigeen qaab ciyaareed Liita.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankii ay Liverpool ceebtu ka soo gaadhay kulankii Aston Villa.

1.Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore kaliya Aleksandar Mitrovic & Jamie Vardy oo dhaliyay 28 gool premier League ayaa ka goolal badan xiddiga Ollie Watkins kaas oo dhaliyay 27 gool.

2.Adrián ayaa sameeyay 5 khalad oo si toos ah gool u noqday 21 kulan oo uu ciyaaray intii uu joogay Liverpool tartamada oo dhan waana in ka badan Goolhaye Alisson.

3.Ollie Watkins ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee saddexley ka dhaliyay Aston Villa kulan premier League ah oo ay la ciyaarayeen Liverpool tan ilaa Dion Dublin bishii December 1998.

4.Mohamed Salah ayaa dhaliyay 25 gool 26 koox oo uu ka hor tagay kooxaha premier League waana rikoodhka ugu fiicna ee xiddig kasta oo premier League.

5.Ollie Watkins ayaa noqday xiddigii 10-aad ee premier League saddexley ka dhliya Liverpool iyo midkii ugu horeeyay ee tan ilaa Dimitar Berbatov oo sidaas sameeyay 2010.

6.Liverpool ayaa laga dhaliyay 5 gool kulan prmeier League ah markii ugu horaysay tan ilaa September 2017 kulankaas oo ay guuldaro kala kulmeen Man City halka ay markii 4-aad ee taariikhdooda laga dhaliyay 5 gool.

7.Liverpool ayaa laga dhaliyay 6 gool oo premier League ah markii 2-aad tan ilaa bishii May 2015 markaas oo ay Stoke 6/1 uga badisay.

8.Markii ugu horaysay ee taariikhda labada kooxood, Liverpool iyo Man United ayaa laga dhaliyayy 6 gool kulan premier League ah isla maalin kaliya.

9.Liverpool ayaa laga dhaliyay 7 gool kulan kaliya markii ugu horaysay tan ilaa bishii April 1963 markaas oo ay guuldaro 7/2 kala kulantay Tottenham.

10.Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee difaacanaysay premier League ee laga dhaliyo 7 gool tan ilaa Arsenal markaas oo ay Sunderland guuldaro kala kulmeen bishii September 1953.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here