Wayne Rooney Oo Man United U Sheegay In Ay Iska Ilowdo Jadon Sancho Una Dhaqaaqdo Xiddig Tottenham U Ciyaara.

0
57

 

Wayne Rooney ayaa sheegay in uuna Jadon Sancho ahayn saxiix ku fiican kooxda Man United isaga oo u sheegay kooxda in ay badalkiisa 100 milyan ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Red Devils ayaa muddo ku raad joogtay saxiixa xiddiga Jadon Sancho laakiin waxa ay ku fashilantay in ay heshiis la gaadho iyada oo uu xiddigu sii joogi doono kooxdiisa.

Laakiin Rooney ayaa dareensan in ay United ku raad joogtay xiddig khaldan isaga oo sheegay in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane.

“Jadon Sancho waa xiddig heer sare ah laakiin waxa aan la yaabanahay in ay Man United bartilmaameed ka dhigatay”ayuu Rooney u sheegay The Times.

“Waa maxay sababta ay doonayo in ay lacag ka badan 100 milyan ka bixiso xiddig la tayo ah xiddigaha Rashford iyo Martial waliba ka ciyaara isla booska xiddigahaas”.

“Waxa ay ahayd in ay United 100 milyan ka bixiso Harry Kane, haa, way adagtahay in Tottenham lagu qanciyo in ay iibiso Harry Kane laakiin United waa koox weyn waana in ay isku daydo in ay la soo saxiixato xiddigaha ugu fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here