WARBIXIN:Thiago, Sancho, Partey & SHANTA Saxiix Ee Ugu Waaweyn Ee La Dhamaystiri Karo Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Premier League

0
9

Bilaabashada premier League ayay inaga xigaan maalmo yar oo kaliya laakiin wali waxa jira wakhti lagu dhamaystiri karo saxiixyo cusub.

Chelsea ayaa ilaa haatan premier League ah kooxda ugu dhaq-dhaqaaqa badan iyada oo suuqa galisay lacag kor u dhaafaysa 200 oo milyan lana soo saxiixtay xiddigaha Timo Werner, Malang Sarr, Ben Chilwell, Thiago Silva & Kai Havertz.

Kooxaha kale waaweyn ee premier League ayaa ku dhibaatooday dhanka suuqa iyada oo Man United ugu dambayn todobaadkii hore dhamaystirtay saxiixa Donny van de Beek.

Sidaas darteed iyada oo wax todobaad ka yar ka hadhsantahay bilaabashada xilli ciyaareedka waxa jira saxiixyo la dhamaystiri karo ka hor sabtida dambe ee la bilaabayo xilli ciyaareedka cusub.

Waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5-ta saxiix ee waaweyn ee la dhamaystiri karo ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Thomas Partey -> Arsenal:

Xiddiga reer Ghana ee 45-ka milyan lagu qiimeeyo ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Mikel Arteta iyada oo uu tababaruhu doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.

Xitaa Arsenal ayaa dalabyo dhawr ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kuwaas oo u badan lacag iyo xiddig laakiin Atletico Madrid ayaa ku adkaysanaysa in ay doonayso lacag kaash ah oo 45 milyan ah.

Thiago Alcantara -> Liverpool:

Jurgen Klopp ayaa si aad ah u doonaya xiddiga khadka dhexe ee reer Spain si uu ugu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

Thiago ayaa dalbaday in uu isaga tago kooxda Bayern Munich kooxda Liverpool ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga inkasta oo ay ilaa haatan diidantahay in ay bixiso lacagta 27-ka milyan ee ay Bayern Munich ku iibinayso.

Jadon Sancho -> Man United:

Waa xiddiga ugu hadal haynta badan xagaagan oo dhan hadana wax horumar ah laga samayn laayahay iyada oo Red Devils doonayso saxiixa xiddiga reer England.

Lakiin United ayaa ilaa haatan diidan in ay bixiso lacagta 120-ka milyan ah ee ay Borussia Dortumd dalbanayso laakiin United ayaan wali ka rajo dhigin saxiixa xiddiga.

Kalidou Koulibaly -> Man City:

Pep Guardiola ayaa u muuqda mid aad u doonaya saxiixa xiddiga 29 jirka ah ee khadka dhexe ka ciyaara waxana ay kooxdiisu ku jirtaa dadaal ay ku keenayso xagaagan.

Man City ayaa ilaa haatan ku fashilnatay dalabyada ay ka gudbisay laakiin City ayaa la filayaa in ay maalamaha soo socda kula laabato dalab ka badan 70 milyan oo euro.

Decline Rice -> Chelsea:

Xiddiga reer England ayaa bartilmaameed weyn u ah Blues inkasta oo ay Blues ilaa haatan suuqa lacag aad u badan galisay.

Laakiin Milkiilaha kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa ogolaansho u siiyay kooxdiisa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee da’yarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here