WARBIXIN: Messi, Sancho, Aouar, Depay & Saxiixyadii Waaweynaa Ee Fishilmay Suuqii Xagaaga.

0
47

 

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si Rasmi ah u xidhmay shalay oo Isniin ahayd iyada oo kooxaha reer yurub si fiican u xoojiyeen kooxohooda lana saxiixdeen xiddigigii ay doonayeen.

Inkasta oo ay koox kasta samayeeyeen saxiixyo sidoo kale xiddigo badan ku kala biireen kooxo cusub hadana waxa jira saxiixyo badan oo fashilmay kuwaas oo aan dhicin inkasta oo si weyn loo hadal ahay suuqii xagaaga oo dhan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyadii ugu weynaa ee aan dhicin suuqii xagaaga ee dhawaan xidhmay.

1.Lionel Messi -> ManCit, Inter Milan:

Xiddiga reer Argentine ayaa si lama filaan ah dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore u codsaday in uu isaga tago Barcelona iyada oo si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Man City iyo Inter Milan.

Laakiin kabtanka Barcelona ayaa ugu dambayn go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda Barcelona ugu yaraan xilli ciyaareedkan haatan bilowga ah.

2.Jadon Sancho -> Man United:

Waa xiddigii ugu hadal haynta badnaa suuqii xagaagan iyada oo Red Devils bilihii ugu dambeeyay si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga reer England.

United ayaa xitaa dhawr dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga 20 jirka ah laakiin United ayaan ugu dambayn u dhaqaaqin saxiixa xiddiga kadib markii ay Dortmund diiday in ay hoos u dhigto qiimaha 120-ka milyan ee ay ku qiimayso xiddiga.

3.Houssem Aouar -> Arsenal:

Xiddiga reer France ee Houssem Aouar ayaa bartilmaameedka 1-aad u ahaa kooxda Arsenal iyada oo uu Mikel Arteta si aad ah u doonayay in uu helo saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Arsenal ayaa dhawr mar dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga 22 jirka ah laakiin Lyon ayaa diiday dalabyada Gunners iyaga oo doonayay dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro.

4.Memphis Depay -> Barcelona:

Tababare Ronaldo Koeman ayaa si aad ah u doonayay xiddiga reer Holland ee uu kula soo shaqeeyay xulka qaranka Holland si uu ugu buuxiyo booskii uu ka baxay Luis Suarez.

Laakiin Memphis ayaa ugu dambayn iska sii joogay kooxda Lyon kadib markii ay Barcelona ku fashilantay in ay ka gudbiso xiddiga dalab ay ku qanacdo Lyon.

5.Georginio Wijnaldum -> Barcelona:

Waa xiddig kale oo uu Koeman si aad ah u doonayay si uu ugu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa xilli ciyaareedkan, marka la eego in uu heshiiska xiddiga Georginio Wijnaldum dhici doono xagaaga waxa si weyn loo filayay in uu ku biiro Barcelona laakiin Liverpool iyo Klopp ayaa si cad u diiday in uu xiddigu ka tago kooxda.

6.Kalidou Koulibaly -> Man City, Liverpool, Man United:

Xiddiga reer Senegal ayaa si weyn loola xidhiidhinayay horyaalka premier Leagu iyada oo ay doonayeen kooxaha ugu tunka weyn horyaalka premier League.

Kooxaha Liverpool & Man United ayaa kaliya xiiso u qabay saxiixa xiddiga oo aan dalab Dhab ah ka gudbin laakiin Man City ayaa dalab aad u weyn oo 60 milyan ah ka gudbisay laakiin Napoli ayaa si cad u diiday iyaga oo dalbanayay lacag ku dhaw 80 milyan oo euro.

7.Jorginho -> Arsenal, Juventus:

Xiddiga khadka dhexe ee Jorginho ayaa dhankiisa si weyn loola xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Italy ayaa bilowgii xagaaga lala xidhiidhinayay kooxda Juventus kuwaas oo doonayay saxiixiisa laakiin Juventus ayaa ugu dambayn isaga hadhay Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga ka hor inta ayna Chelsea suuqa ka qaadin xiddiga maalintii ugu dambaysay ee suuqa.

8.Decline Rice -> Chelsea:

Kooxda Frank Lampard ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer England kana soo baxay Akademiyada Blues laakiin West Ham ayaa diiday in ay 80 milyan hoos uga dhigto qiimaha ay ku doonayso in ay ku iibiso xiddiga.

9.N’Golo Kante -> Inter Milan:

Xiddiga Kante ayaa dhankiisa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Chelsea iyada oo Inter Milan ahayd kooxda si dhabta ah u doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo uu Kante doonayay in uu la midoobo xiddiga laakiin Inter ayaa kaliya ku doonaysay heshiis amaah ah taas oo ay chelsea diiday.

10.Ousmane Dembele -> Man United, Arsenal, Liverpool

11.James Maddison -> Man United

12.Jack Grealish -> Man United

13.Ismaila Sarr -> Liverpool, Man United.

14.Eric Garcia -> Barcelona

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay jiraan saxiixyo badan oo aan dhicin inkasta oo la hadal hayay laakiin inta kor ku xusan ayaa ah inta ugu cad-cad ee sida weyn loo xasuusto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here