WARBIXIN: 10 Saxiix Oo Ay Man United Ku Fashilantay Saxiixooda Suuqii Xagaaga

0
44

 

Kooxda Man United ayaa laba saxiix ku soo xidhatay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo laba saxiix sameeyay maalintii ugu dabaysay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Donny Van de Beek ayaa United ku soo biiray bishii August laakiin aan wali ku bilaaban kulan Premier League ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga United ayaa mashquul gashay iyaga oo la soo saxiixday Alex Telles, Edinson Cavani iyo Da’yarka ah ee Amad Diallo.

Kooxda Man United ayaa bilowgii xagaaga ilaa dhamaadkii xagaaga lala xidhiidhinayay xiddigo aad u badan kuwaas oo ay doonayeen saxiixooda.

Wargayska Mirror Sport ayaa shaaca ka qaaday 10 saxiix oo ay kooxda Mna United seegtay intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga.

1.Jadon Sancho:

Xiddiga Borussia Dortmund ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Man United kadib markii uu 20 gool dhaliyay 20 kale caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii hore.

Inkasta oo ay kooxda joogaan xiddigaha Anthony Martial, Marcus Rashford & Mason Greenwood kuwaas oo dhaliyay 63 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin United ayaa ku fashilantay saxiixa xiddiga reer England kadib markii ay Borussia Dortmund qabsatay lacag dhan 120 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga.

2.Gareth Bale:

Xiddiga reer Wales ayaa ahaa bartilmaaeedka 2-aad ee United iyaga oo u doonayay badalka Jadon Sancho kadib markii ay ku adkaatay in ay Dortmund kala heshiiso qiimaha.

Laakiin United ayaa isaga hadhay baacsiga xiddiga kadib markii uu xidiga reer Wales iska diiday Old Trafford si uu ugu laabto kooxdiisii hore ee Tottenhma.

3.Sergio Reguilon:

Inkasta oo uu xiddig garabka ka ciyaara ahaa bartilmaameedka 1-aad ee United, daafaca Bidix ayaa ahaa muhiimada 2-aad ee ay United doonaysay xagaagan.

Xiddigaha Luke Shaw & Brandon Williams ayaa ah xiddigaha booskaas uga ciyaaray United bilihii ugu dambeeyay laakiin Solskjaer ayaa ka kalsooni baxay labada xiddig.

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid Sergio Reguilon ayaa noqday bartilmaameedka United ee daafaca Bidix iyada oo uu Solskjaer calaamadsaday xiddiga.

Laakiin United ayaa ku fashilantay saxiixa xiddiga reer Spain ee 23 jirka ah kadib markii ay Real Madrid heshiiska ku xidhay shardi u ogolaanaya in ay dib ula wareegto xiddiga taas oo ay Tottenham ogolaatay sidaasna ugu guulaystay saxiixa xiddiga.

4.Ben Chilwell:

Reguilon ayaa ahaa bartilmaameedka 2-aad ee daafaca Bidix ee United laakiin waxa bartilmaameedka 1-aad ahaa xiddigii hore ee Leiester City ee Ben Chilwell.

Chilwell ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore United ayaana xiiso u muujisay saxiixa xiddiga laakiin Red Devils ayaa wakhti ku qaadatay in ay Leiceter City kala heshiiso saxiixa xiddiga taas oo Chelsea u fududaysay in ay ku garaacdo saxiixiisa.

5.Ousmane Dembele

6.Ismaila Sarr

7.Kalidou Koulibaly

8.James Maddison

9.Jack Grealish

10.Federico Chiesa

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here