Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Salaasa Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

0
51

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Salaasa ah:

Liverpool iyo Real Madrid ayaa labaduba isku dayaya inay lasoo saxeexdaan weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 21 jir ah. Laacibkan ayaa kooxdiisa Paris St-Germain u sheegay in xagaaga dambe uu ka tegayo. (L’Equipe)

Real Madrid ayaa muujisay in aanay wax xiiso ah u qabin laacibka reer England ee Dele Alli oo 24 jir ah ee laga saaray liiska Tottenham kulankii toddobaadkan. (Talksport)

Crystal Palace ayaa beenisay inay dalab £25 milyan oo Gini ah ka gudbisay 20 jirka weerarka uga ciyaara Liverpool ee Rhian Brewster. (Goal)

Everton waxay wada-hadallo kula jirtaa Atletico Madrid oo ay ka doonayso difaaca reer Colombia ee Santiago Aris oo 28 jir ah. (Liverpool Echo)

Manchester United ayaa loo sheegay qiimaha ay ku heli karayaan weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin, waana inay £80 milyan oo Gini soo diyaarsadaan haddii ay rabaan saxeexa 23 jirkan. (Sun)

Difaaca bidix ee kooxda FC Porto ee Alex Telles ayaa rajaynaya inuu Manchester United u dhaqaaqi doono, laakiin labada kooxood ayaan wali ka heshiinin lacagta 27 jirkan reer Brazil. (Guardian)

Manchester United waxay wali xiisaynaysaa difaaca reer France ee Dayot Upamecano oo 21 jir ah, una ciyaara RB Leipzig. (Telegraph)

Sevilla ayaa xaqiijisay inay iska diidday dalab uga yimid Manchester City oo lagaga doonayay difaaca reer France ee Jules Kounde oo 21 jir ah. (Goal)

Weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata ayaa qarka u saaran inuu u wareego kooxdiisii hore ee Juventus oo sannad amaah ah kaga qaadanaysa Atletico Madrid. (Goal)

Gool-dhaliyaha reer Uruguay ee Luis Suarez oo 33 jir ah ayaa ogolaaday in la burburiyo heshiiskii ay ku wada jireen Barcelona, si uu ugu wareego Atletico Madrid. (RMC)

Arsenal waxay diyaar u tahay in ay Atletico Madrid siiso laacibka khadka dhexe ee Torreira iyo lacag si ay ugala soo saxeexdaan laacibka reer Ghana ee Thomas Partey oo 27 jir ah.(El Gol)

Fulham ayaa isku dayaysa inay Leicester  City ka qaadato laacibka khadka dhexe ee reer Ghana ee Daniel Amartey oo 25 jir ah. 9Football Insidider)

Tababaraha Crystal Palace ee Roy Hogson ayaa sheegay inay ku adkaan doonto kooxdiisa inay ilaashato Wilfied Zaha haddii ay timaaddo koox lacag badan wadata oo doonaysa inay la saxeexato 27 jirkan reer Ivory Coast. (TalkSport)

Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo 33 jir ah, ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda reer Spain ee Real Madrid. (Marca)

Leeds United waxay dalabkii labaad ka gudbisay difaaca kooxda Brighton ee Haydon Roberts oo 18 jir ah. (Football Insider).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here