Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Sabti Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

0
56

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Sabti ah:

Manchester United waxay heshiis la gaadhay difaaca kooxda FC Porto ee Alex Telles, waxaanu 27 jirkan reer Brazil qalinka ku duugi doonaa heshiis shan sannadood ah. (RMC Sport)

Qayb dhan oo ka tirsan ciyaartoyda Real Madrid ayaa soo dhoweeyey heshiiska amaahda ah ee Gareth Bale uu ugu wareegay Tottenham. (AS)

Rennes ayaa ka doonaysa Chelsea in heshiiska ay ku doonayso goolhayaha reer Senegal ee Edouard Mendy oo 28 jir ah ay ku darto laba ciyaartoy oo uu midkood yahay difaaca reer England ee Fikayo Tomori oo 22 jir ah. (Football Insider)

Liverpool ayaa weydiisay Barcelona suurtogalnimada in amaah lagu siin karayo laacibka garabka uga ciyaara ee Ousmane Dembele oo 23 jir ah. (Sport)

Tababaraha Sheffield United, Chris Wilder ayaa  sheegay in kooxdu ay wada-hadallo kula jirto Liverpool oo ay ka doonayso inay amaah kaga qaadato weeraryahanka 20 jirka ah ee Rhian Brewster. (Yorkshire Live)

Laakiin waxa kula tartamaysa Crystal Palace oo iyaguna ku doonaya inay heshiis rasmi ah kagala wareegaan Brewster. (90min)

Manchester City waxay ka fiirsanaysaa inay dalab ka gudbiso difaaca reer France ee Jules Kounde oo ah 21 jir u ciyaara Sevilla, kaas oo ay ku doonayaan inay ku kala beddeshaan Nicolas Otamendi oo 32 jir ah. (Telegraph)

Crystal Palace ayay suurtogal tahay inay RB Leipzig ka iibiso weeraryahanka 24 jirka ah ee reer Norway ee Alexander Sorloth, si ay lacag u helaan lacag ay kusoo iibsadaan weeraryahanka reer Algeria ee Said Benrahma oo ah 25 jir u ciyaara Brentford. (Guardian)

Leeds United waxay wali xiisaynaysaa inay kooxda Udinese kala soo wareegto kubbad-sameeyaha reer Argentina ee Rodrigo de Paul oo 25 jir ah. (Fabrizio Romano)

Juventus ayaa danaynaysa inay dib ula soo saxeexato weeraryahanka 20 jirka ah ee Moise Kean oo Everton ku dhibaataysan tan iyo xagaagii 2019 oo uu u wareegay. (Goal_

Difaaca Maraykanka ah ee DeAndre Yedlin oo 27 jir ah, ayaa u muuqda inuu go’aansaday inuu iskaga tago Newcastle oo uu u wareego Besiktas. (NBC)

Arsenal, Leeds iyo Wolves ayaa ku hirdamaya 18 jirka khadka dhexe uga ciyaara Reading ee Michael Olise. (Football League World)

Tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay inay riyadiisa tahay inuu mar uun tababare u noqdo Real Madrid. (Cadena Cope Radio)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here