Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Ibsiga Arsenal, Saxiixyada Laga Yaabo In Ay Samayso Kooxdu.

0
59

 

Kooxda Arsenal ayaa saacaha soo socda gali doonta mashquul weyn iyada oo doonaysa in ay dhamaystirto saxiixyo ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga 11 habeenimo ee wakhtiga Englnad.

Arsenal ayaa la filayaa in ay ugu yaraan samayso hal saxiix laakiin ka hor inta ayna samayn saxiixaas iska dirto xiddig o dhawr ah si ay u samayso saxiixa ay doonayso.

Kooxda Arsenal ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay 3 xiddig kuwaas oo ku badnaa hadal haynta Gunners ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa si aad ah u doonaya in uu sameeyo saxiix khadka dhexe ah si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Thomas Partely, Houssem Aouar Iyo Jorginho ayaa ah xiddigaha khadka dhexe ee sida aadka ah loola xidhiidhinayay kooxda Arsenal suuqa xagaagan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada laga yaabo in ay Arsenal samayso saacadaha soo socda hadii ay tahay kuwo ay la soo wareegayso ama kuwo ay iska dirayso:

Xiddigaha Iman Kara:

Thomas Partey (£45m)

Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ay isku diyaarinayso in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Arsenal ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay haatan tijaabada caafimaadka ku marsiinayso xiddiga dalka Spain ka hor inta ayna bixin lacagta lagu bur-burin karo saxiixiisa.

Xiddigaha Ka Tagaya Kooxda:

Matteo Guendouzi (Amaah)

Xiddiga khadka dhexe oo ka baxay qorshaha Tababare Mikel Arteta ayaa ku sugan Germany isaga oo halkaas tijaabada caafimaadka ugu maraya kooxda reer Germany ee Hertha Berlin kuwaas oo la filayo in ay qaab amaah ah kula wareegaan.

Sead Kolasinac (£10m):

Xiddiga Sead Kolasinac ayaa wadahadalo kula jira kooxda Bayer Leverkusen waxana la filayaa in uu 10 milyan ugu biiro kooxda reer Germany kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta.

Lucas Torreira (Amaah):

Xiddiga reer Urugauy ayaa wakhti hore ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Atletico Madrid hadana waxa la sugayaa in lagu dhawaaqo heshiiskiia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here