Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Liverpool Suuqa Kala Iibsiga, Saxiixyada La Filayo In Ay Reds Samayso.

0
43

 

Inkasta oo ay kooxda Liverpool samaysay suuqa fiican xagaagan hadana guuldaradii 7/2 ahayd ee ka soo gaadhay Aston Villa ayaa ku qasbi karta in ay saacadaha soo socda ugu yaraan hal saxiix oo cusub samayso xilli ay xiddigo badan iska iibin karto.

Klopp ayaa si maskax ku jirto u xoojiyay kooxdiisa xagaagan isaga oo sameeyay 2 saxiix kuwaas oo wax weyn ku soo kordhin doona Liverpool xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Liverpool ayaa la filayaa in ay saacadaha ka hadhay suuqa iska iibiso xiddigo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda 1-aad.

Sidoo kale Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa Goolhaye cusub kadib kahadkii waalid ahaa ee uu Adrian sameeyay kulankii Aston Villa ee premier League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ay kooxda Liverpool samayn karto ama ka tagi kara.

Xiddigaha Iman Kara

Paulo Gazzaniga (Amaah):

Kooxda Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Goolhayaha kooxda Tottenham ee Paulo Gazzaniga kaas oo ay Spurs suuqa dhigtay kadib markii uu ka baxay qorshaha.

Waxa haatanba soo baxaya warar aan la hubin kuwaas oo sheegaya in ay Liverpool heshiis amaah ah kala heshiissay kooxda Tottenham ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegn 12 milyan oo euro.

Xiddigaha Ka Tagi Kara Kooxda:

Xherdan Shaqiri

Marko Grujic

Harry Wilson

Yasser Larouci

Nat Phillips

Sepp van den Berg

Ben Woodburn

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here