War Cad : Houssem Aouar Oo Qaatay Go`aanka Kama Dambeysta Ah Ee Mustaqbalkiisa Lyon , Miyuu Baxayaa Mise?

0
36

 

Xididga kooxda Lyon ee Houssem Aouar ayaa lagu waramayaa in uu qaatay go`aan la xariira mustaqbalkiisa kooxda reer France .

Wiilkaas asalkiisu yahay Algeria ayaa xagaagaan lala xariirinayaa dhowr koox oo ay ka mid yihiin Arsenal oo ah dhanka ugu xooggan , Man City iyo Juventus

Channel-ka ESPN ayaa haatan daboolka ka qaadaya in laacibka dhab ahaantii uu qaatay go`aankiisa kama dambeysta ah

ESPN waxa ay shaacisay in laacibka uu ku war giliyay maamulka kooxda in uu doonayo in uu baxo xagaagaan waliba ay dhageystaan dalabyada laga keenayo saxiixiisa.

Sidaas oo ay tahay lama helin kooxda uu doonayo in uu aado , waxaana muuqaneysa in todobaadyada ka haray suuqa kala iibsiga in la arki doono Houssem Aouar oo ka tagay Lyon

Waxaa xusid mudan in hishiiska Houssem Aouar ee Lyon uu ku siman yahay xagaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here