Wakiil Caan ah Oo Barcelona Ka caawinaayo Badalka Luiz Suares

0
21

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay wakiilka Jorge Mendes si ay u waydiistaan caawin ku aadan saxiixa weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.

Xilli Luis Suarez uu u muuqdo inuu ka tagayo Camp Nou inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga, Martinez ayaa loo arkaa inuu noqon doono bedelka ciyaaryahanka reer Uruguay ee Barcelona.

Kooxda reer Catalan ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Martinez muddo dhowr bilood ah, laakiin marka loo eego xaalada dhaqaale ee lagu jiro Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ka caga jiidayso in ay bixiso lacagta ay Inter doonayso.

Kooxda Inter Milan ayaa xiddiga ku qiimaysa lacag dhan 111 milyan oo euro taas oo ah lacag lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda.

Sidaas darteed Barcelona ayaa la xidhiidhay wakiilka xiddiga Jorge Mendes si ay ugu qanciso in uu helo wado ay ku heli karto saxiixa Xiddiga reer Argentine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here