Wakhtiga Uu Sergiño Dest Soo Gaadhi Doono Barcelona Si Uu U Dhamaystiro Ku Biirista Kooxda Oo La Ogaaday.

0
52

 

Waxa si weyn loo hubaa ku biirista xiddiga kooxda Ajax ee Sergiño Dest ee kooxda Barcelona iyada oo la filayo in uu soo gaadho Barcelona saacadaha soo socda si uu u dhamaystiro heshiiska.

Wargayska De Telegraaf ayaa sheegaya in uu xiddiga Sergiño Dest ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee kooxda Ajax maalintii sabtidii.

Kooxda Barcelona ayaa kooxda Ajax kala heshiisay saxiixa xiddiga reer America ee Sergiño Dest kaas oo la filayo in uu subaxnimada Isniinta yimaado Barcelona si uu u dhamaystiro heshiiska.

Xiddiga Sergiño Dest ayaa la sheegayaa in uu soo macasalaameeyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin lana filayo in uu noqdo xiddig Barcelona ah maalmaha yar ee soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here