Wakhtiga Uu Luis Suarez Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Juventus Oo La Ogaaday.

0
13

Xiddiga Luis Suarez ayaa ku sii dhawaanaya in uu ku biiro kooxda Juventus kadib markii kooxaha Barcelona iyo Juventus ka heshiiyeen saxiixa xiddiga reer Uruguay.

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in uu Suarez haatan isku diyaarinayo in uu u duulo magaalada Turin si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Juventus.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Juventus sidoo kale diyaarinayso soo bandhiga xiddiga weerarka ka ciyaara.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Luis Suarez tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Juventus todobaadka dambe ka hor inta aan lagu dhawaaqin saxiixiisa.

Suarez ayaa wakhti horeba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Juventus isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 2 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here