Wakhtiga Uu Alex Telles Doonayo In Uu Dhamaystiro Ku Biiristiisa Man united Oo La Ogaaday.

0
72

 

Daafaca kooxda FC Porto Alex Telles ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu dhameystiro ku biiristiisa kooxda Manchester United ka hor dhamaadka todobaadkan.

Xiddiga 27 jirk ah ayaa kooxda Fc Porto u ciyaaray sabtidii isaga oo ku lug lahaa 2 gool kulankii ay kooxdiisu guusha 3/1 ka gaadhay Braga.

Si kasta ha ahaatee iyada oo wax hal sano ka yar ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Porto, waxa la sheegayaa in ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso xagaagan kuna iibiso 20 milyan oo euro.

Xilli ayna labada kooxood ka heshiin qiimaha wargayska The Guardian ayaa sheegaya in Telles doonayo in uu ku biiro Man United maalmaha soo soscda.

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ayaa iska diiday PSG kana doortay Man United isaga oo doonaya ka ciyaarista horyaalka prmeier League.

Telles ayaa la filayaa in uu noqdo dookha 1-aad ee daafaca Bidix ee United isaga oo ka horayn doona Luke Shaw iyo Brandon Williams.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here