Wakhtiga Ay Man United Dhamaystiri Doonto Saxiixeeda Labaad Oo La Xaqiijiyay.

0
20

Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Porto ee Alex Telles iyada oo uu wakiilka xiddigu xaqiijiyay in ay Man United ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga todobaadka dambe.

Wargayska A Bola ayaa sheegaya in uu wakiilka xiddiga reer Brazil haatan ku suganyahay England si uu Man United ugala heshiiyo heshiiska shaqsiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu wakiilka xiddigu ku kalsoonyahay in ay Man United saxiixa xiddiga ku dhawaaqi doonto todobaadka dambe.

Ole Gunnar Solskjaer Ayaa doonaya daafac bidix oo uu ku xoojiyo kooxda Telles ayaana ah xiddiga ku dhaw in uu ku biiro kooxda Man United.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Telles oo 27 jir ah u soo duuli doono Magaalada Manchester 24 ilaa 48 saac ee soo socda ka hor inta uuna heshiiskiisa dhamaystirin todobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here