Wakhtiga Ay Barcelona Dhamaystiri Karto Saxiixa Memphis Depay Oo La Xaqiijiyay.

0
49

Agaasimaha isboortiga Lyon Juninho ayaa qirtay in Memphis Depay uu ka tagi karo kooxda maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga oo ah maanta.

Weeraryahanka reer Holland ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga oo maanta xidhmi doona.

“12 bilood ayaa uga hartay qandaraaskiisa” ayuu Juninho u sheegay Wargayska Telefoot.

“Waxa uu haatanba Heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Barcelona waxba noogama qarsoona arintaas”.

“Waxa suurtagal ah in uu Memphis ku biiro Barcelona maanta oo Isniin ah laakiin ma hubo”.

“Waxa ay u badantahay in uu yahay xiddiga ka tagi doona kooxda”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here