“Waan Baqanaynaa”:- Hadalkii Uu Granit Xhaka Ugu Qayliyay Xiddigaha Arsenal Intii Uu Socday Kulankii Anfield Oo La Ogaday.

0
68

 

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Granit Xhaka ayaa si weyn uga xanaaqay qaakbkii ay xiddigaha Arsenal u ciyaarayeen kadib markii ay goolka ka dhaliyeen Liverpool

Xiddiga reer Switzerland ayaa cod dheer ku canaantay xiddigaha ay isku kooxda yihiin kadib markii uu Alexandre Lacazette goolka ka dhaliyay Liverpool.

BeIN Sports ayaa sheegtay in la maqlay Xhaka oo ku qaylinaya ‘waan baqeynaa’ isaga oo u muuqday mid si weyn uga xanaaqsanaa boosaskii ay Arsenal siinaysay Liverpool.

Xhaka ayaa dhexda Arsenal kala ciyaarayay xiddiga Mohamed Elneny laakiin labada xiddig ayaa ku dhibaatooday in ay maamulaan khadka dhexe.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn u maamulaysay khadka dhexe iyaga oo in badan kubada haystay una diiday labada xiddig in ay helaan kubad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here