Waa sidee rajada uu Tababare Solskjær ka qabo heshiiska uu Jadon Sancho ku imaanayo kooxda Man United??

0
63

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa kalsooni ka muujiyay suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karaan laacibka ka tirsan naadiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, kahor inta uusan dhamaanin suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Magaca Jadon Sancho oo 20 jir ah ayaa lala xiriiriyay inuu ka tagay Borussia Dortmund xagaagan, isla markaana uu ku biirayo kooxda Manchester United, maadaama loo arko inuu yahay bar-tilmaameedka ugu muhiimsan ee Red Devils.

Tababare Ole Gunnar Solskjær oo wali bar-tilmaameed ka dhiganaya saxiixa Jadon Sancho ayaa u muuqda mid uu waqtiga ku sii socdo, mana uusan gaarin wali wax heshiis ah oo 20 jirkan ku imaanayo garoonka Old Trafford.

Man United ayaa la soo saxiixatay Donny van de Beek xagaagan si ay u xoojiso safkooda khadka dhexe waxayna kala soo saxiixatay ku dhowaad 40 milyan oo euro naadiga Ajax.

Haddaba sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sports” ee dalka England Ole Gunnar Solskjær ayaa wali rajo ka qaba inuu sameeyo saxiixa Jadon Sancho, kahor inta uusan dhamaanin suuqan kala iibsiga ee xagaaga maalinta Isniinta ee soo aadan.

Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa aaminsan inay fiicnaan doonaan haddii ay helaan Jadon Sancho, oo ay weerarka kooxda ku wehlinayaan xiddigaha Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Mason Greenwood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here