Waa Maxay Sababta Uu Sergio Reguilon Isaga Diiday Man United Una Doortay Tottenham?

0
53

 

Daafaca Sergio Reguilon ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Tottenham ka hor inta aan lagu dhawaaqin saxiixiisa saacadaha soo socda.

Wargayska Defensa Central ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Sergio Reguilon sida deg-dega ah u aqbalay in uu ku biiro kooxda Tottenham iskana diiday in uu ku biiro kooxda Man United kuwaas oo dhankooda doonayay saxiixiisa.

Wargayska ayaa sheegay in sababta uu Reguilon doonayay in uu si deg-deg ah u go’aamiyo mustaqbalkiisa ka hor inta ayna kulamo badan oo xilli ciyaareedka ah dhaafin.

United ayaa doonaysay in uu Reguilon sugo ilaa maalinta ugu dambaysa ee suuqa xagaaga si ay Meesha uga saarto shardiga ay Los Blancos ku xidhay in ay dib ula soo saxiixato marka ay doonayso xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here