Waa Maxay Sababata Uu Unai Emery Xagaagii Hore U Diiday Saxiixa Thomas Partey Markii Uu Tababaraha U Ahaa Arsenal.

0
71

Kooxda Arsenal ayaa saacadihii ugu dambeeyay dhamaystiray saxiixa xiddiga khadka dhexe ee ee kooxda Atletico Madrid ee Thamos Partay kaas oo ay ka dheen saxiixooda ugu weyn ee suuqa xagaagan.

Arsenal ayaa dareenkooda u jeediyay 27 jirka kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar laakiin Gunners ayaa Partey ku raad joogtay muddo sanad ah.

Wargayska The Guardian ayaa sheegaya in uu Unai Emery doonayay saxiixa kadib markii uu hal sano hogaaminayay kooxda waliba si shaqsi ah u soo daawaday qaab ciyaareedka bishii May 2019.

Laakiin Unia Emery ayaan u dhaqaaqin saxiixa sabab la xidhiidha in ay kooxdu u sheegtay in aan loo hayn lacag uu kula soo saxiixdo xiddiga.

Sidaas darteed Unai Emery ayaa gabi ahaan isaga hadhay baacsiga xiddiga isaga oo muhiimada saaray soo xero galinta xiddig garabka ka ciyaara isaga oo keenay Nicolas Pepe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here