Virgil van Dijk Oo Kashifay In Ay Liverpool Wajahayso Wakhti Adag & Sababta Oo Uu Sharaxay.

0
71

 

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa sheegay in ay Liverpool wajahayso wakhti adag sabab la xidhiidha in uu qof walba doonayoin laga badiyo kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Reds ayaa xilli ciyaareedkii hore markii ugu horaysay ku guulaystay premier League muddo 30 sano ah.

Haatan kooxda Liverpool ayaa galay fasaxa xulalka kadib markii ay guuldaro la kulmeen kulankoodii 4-aad iyaag oo guuldaro 7/2 ah kala kulantay kooxda Aston Villa.

Guuldarada ayaa timid kadib markii ay Liverpool badisay 3 kulan oo xidhiidh ah waliba ka badiyay 2 kooxood oo waaweyn.

Van Dijk ayaa rumaysan in Reds wajahayso wakhti adag maadama uu qof walba doonayo in laga badiyo.

“Waxan u malaynayaa in aad joogto halka ugu saraysa in ay tahay mid adag”ayuu yidhi.

“Qof walba waxa uu doonayaa in uu ku arko adiga oo lagaa badiyay”.

“Waa sida ay tahay Noloshu, gaar ahaan wakhtigan la joogo aniga ahaan waxa aan doonayaa in aan wax walba u sameeyo kooxda ilaa inta aan ciyaaraha ka fadhiisanayo”.

“Waxa aan nahay kooxda difaacanaysa horyaalka waana wax wakhti qaatay waana in aan ku raaxaysano”.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here