Virgil van Dijk Oo Ka Fal Celiyay Heshiiska Ay Liverpool Kula Soo Wareegayso Thiago Alcantara

0
65

 

Daafaca kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa ka fal celiyay wararka sheegaya in ay kooxda Liverpool ugu dambayn dhamaystirayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara.

Reds ayaa la rumaysanyahay in ay Bayern Munich kala heshiisay lacag dhan 25 ilaa 27 milyan oo euro iyaga oo 20 milyan horumarin doona inta kalena lacago guno ah tahay.

Warkan ayaa soo baxay maanta kadib markii kooxda Premier League haysata horumar ka gaadhay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay.

Liverpool ayaa maanta dar-dar galisay wadahadalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe kadib markii ay Bayern Munich u sheegtay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga ka hor inta ayna toodbaadka dambe bilaaban horyaalka Bundesliga.

Van Dijk ayaana ka fal celiyay warka kadib markii wargaska The Times gaar ahaan saxafiga Paul Joyce bogiisa soo dhigay in uu xididgu saxiixi doono heshiis 4 sano ah waliba kooxda u xidhan doono No.6.

Haatan Thiago ayaa ogolaansho loo siiyay in uu u duulo Liverpool si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Liverpool maalmaha soo socoda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here