TOBAN Xiddig Oo Juventus Ah Oo Bar-Baro La Galay Roma & Cristiano Ronaldo Oo Badbaadiyay Bianconeri

0
60

 

Kulan xiiso leh ayaa horyaalka Serie A-da ku dhexmaray kooxaha Roma iyo Juventus kulan ka tirsanaa todobaadkii 2-aad ee horyaalka.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo la kala dhaliyay goolal cajiib ah intii ay ciyaartu socotay.

Roma ayaa ahayd kooxda fiican qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo wax walba ka samaystay Juventus kana fursado badnaa dhan walbana kaga fiicnaa.

Roma ayaa daqiiqadii 31-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay rikoodhe xiddiga Jordan Veretout kadib markii uu xiddiga Adrien Rabiot gacanta ku taabtay kubada.

Juventus oo aan is dhiibin ayaa waday dadaal ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha ka hor inta ayna dhicin qaybta hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 44-aad ayay Juventus heshay kadib markii kubad uu Ronaldo laaday gacanta ku taabtay xiddiga Roma ah waxana rikoodhada gool u badalay Cristiano Ronaldo.

Laakiin Natiijada ayaan wakhti dheer bar-baro sii ahaan iyada oo Juventus isla markiiba weerar rogaal celis ah qaaday kaas oo ay ku doonaysay gool kale.

Daqiiqadii 45-aad ayay Roma dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jordan Veretout kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee shaqsiga iyo goolkii 2-aad ee kooxdiisa Roma.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Roma soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedkan kana awood badnayd Juventus.

Qaybtii dambe ayay Juventus ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.

Laakiin rabitaankii iyo dadaalkii Juventus ee goolka bar-baraha ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii kaadhka cas loo taagayy xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot.

Xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot ayaa saaxiibadiis kaga tagay 10 xiddig iyo waliba natiijo ay ku dambeeyaan xilli uu ka baxay garoonka

Laakiin Arintaas ayaan Juventus ka hor istaagin in ay ciyaarta ku soo laabato iyaga oo aan joojin dadaalkii ay ku doonayeen goolal kale.

Daqiiqadii 69-aad ayuu Cristiano Ronaldo gool madax qurux badan u dhaliyay kooxdiisa Juventus isaga oo ciyaarta dib ugu soo celiyay kana dhigay 2/2 ay bar-baro ku yihiin labada kooxood.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus oo 10 xiddig ah bar-baro la galeen kooxda Juventus xilli Ronaldo 2 jeer guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here