Tirada Xiddigaha Amaahda Uga Maqan Chelsea Oo La Ogaaday.

0
89

 

Taageeryaaasha Premier League ayaa si weyn u yaabay markii ay Chelsea Todobaadkii hore Amaah ku dirtay xiddiga khadka dhexe ee Ross Barkley kaas oo ku biiray kooxda Aston Villa.

Maalintii Isniintii sidoo kale chelsea ayaa xaqiijisay in ay heshiis amaah ah ku ritay xiddiga khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek kaas oo ku biiray Fulham.

Ruben Loftus-Cheek ayaa noqday xiddigii 25-aad ee Heshiis amaah ah uga taga kooxda Chelsea iyada oo Blues xiddigo badan amaah ugu dirtay kooxo kala duwan.

Xiddigaha 25-ka ah ee ay Blues amaahda ku dirtay ayaa lagu qiimeeyay lacag dhan 121.96 milyan euro iyaga oo isugu jira xiddigo kala duwan oo ka ciyaara boosas kala duwan.

Hadaba waxa la soo saaray Liiska xiddigaha Chelsea uga maqan heshiiska Amaahda ah iyo waliba qiimaha uu mid walba ku fadhiyo.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here