Timo Werner Oo Sheegay In Ayna Chelsea Ku Guulaysan Karin Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan & Sababta.

0
78

 

Weeraryahanka kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa meesha ka saaray in ay Chelsea ku guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay 210 milyan oo euro suuqa galisay xagaagan.

Kooxda Chelsea ayaa la soo saxiixatay xagaagan Xiddigo ay ka mid yihiin Kai Havertz, Timo Werner, Ben Chilwell iyo Hakim Ziyech.

Frank Lampard ayaa sidoo kale si xor ah kooxdiisa ku keenay daafaca khabiirka ah ee Thiago Silva kaas oo ay kala soo saxiixdeen kooxda PSG.

Blues ayaa sidoo kale ku dhaw saxiixa Goolhayaha Rennes ee Eduardo Mendy kaas oo uu Lampard xaqiijiyay in uu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda.

Timo Werner oo la hadlaya wargayska Bild ayaa yidhi”Waa in aan runta u sheegno nafteena sababta oo ah kuma guulaysan karno horyaalka premier League ama champions League xilli ciyaareedkan”.

“Hadii aan ku guulaysano waa wax fiican laakiin ma ahan wax aan filayno”.

“waxa aan jecelahay in ay Chelsea haatan bar-bar dhigo Liverpool sanado ka hor, sanadkii ugu horeeyay wax koob ah kuma guulaysan”.

“Sanadkii 2-aad waxa ay gaadheen Final-ka champions League, sanadkii 3-aad waxa ay ku guulaysteen champions League, halka ay sanadkii 4-aad ku guulaysteen Premier Legaue”.

“Mashruuceena chelsea, sidoo kale waxa aan doonaynaa in aan talaabo, talaabo u socono si aan fursad weyn ugu helno ku guulaysiga sanad walba”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here