Timo Werner Oo Seegaya Kulanka Xulka Qarankiisa Germany La Ciyaari Doono Turkey & Wal-Wal Soo Wajahay Blues.

0
70

 

Chelsea ayaa ka wal-walsan  taam ahaanshaha Weeraryahanka Timo Werner kadib markii laga saaray kulanka uu xulka qarankiisu la ciyaarayo Turkey sabab la xidhiidha xanuun.

Sky Sports ayaa sheegaysa in uuna xiddiga Werner wali ku biirin tababarka xulka qarankiisa waliba seegi doono kulanka caawa ee saaxiibtinimada ah.

“Timo Werner waxa uu qabaa Duray yar sidaas darteed ma ciyaari doono kulanka caawa”ayuu xaqiijiyay tababaraha xulka qaranka Germany.

Laakiin tababaraha ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga filayo in uu ciyaaro kulamada UEFA National League ee dhici doona 10 iyo 13 bishan ee ay la ciyaari doonaan Ukraine & Switzerland.

Werner oo chelsea ku soo biiray xagaagan ayaan wali wax gool ah u dhalin chelsea horyaalka premier League inkasta oo uu gool dhaliyay tartanka Carabao cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here