Timo Werner Oo Kashifay Sidii Uu Antonio Rudiger Uga Caawiyay Ku Soo Biiristia Chelsea.

0
47

 

Xiddiga cusub ee kooxda Chelsea Timo Werner ayaa shaaca ka qaaday sida muhiimka ah ee uu Antonio Rudiger ugu qanciyay ku biirista kooxda chelsea.

Xiddiga Rudiger ayaa si joogto ah ula xidhiidhayay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Timo Werner markii uu doonayay in uu isaga tago kooxda RB Leipzig iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo chelsea.

Rudiger ayaa horay u yidhi”Waxa aan wadahadalnay wax badan intii bandooga lagu jiray waxana uu ii sheegay in uu xiiso u qabo imaatinka premier League kadib waxa aan qabtay shaqadii aan qaban lahaa”.

Werner ayaana haatan sheegay wixii uu Rudger kala hadlay iyo sidii uu door muhiim ah uga qaatay in uu ku soo biiro Chelsea.

“Run ahaantii waa muhiim in aad haysato dad ku hadli kara luuqadaada, waxana uu Rudiger ii caawiyay si fiican maalmihii iigu horaysay, waxba kama fahmayn tababaraha waxa uu u hadlayay si deg-deg ah”ayuu Werner yidhi.

“Rudiger waxa uu wax iiga sheegay kooxda, sida ay dadku yihiin, shaqaalaha tababarka iyo cid walba”.

“Waxa uu ii sheegay in ay fiicantahay in halkan laga ciyaaro waliba chelsea tahay koox weyn oo doonaysa in ay koobab ku guulaysato”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here