Timo Werner Oo Durba Hal Arin Kaga Cawday Premier League.

0
68

Inkasta oo uu kaliya Hal kulan ciyaaray hadana xiddiga weerarka uga ciyaara chelsea ee Timo Werner ayaa ka cawday daafacyada premier League kadib markii uu ciyaaray kulankii Brighton.

Werner ayaa sheegay in uu ku dhibaatooday in uu ka neefsado daafacyada Brighton kulankii ay chelsea guusha ka gaadhay kooxda Brighton.

Timo Werner oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Sidii ay cid walba horay iigu sheegtay horyaalka premier League wuu ka duwanyahay horyaalada kale”.

“Kulankii Brighton waxa uu ahaa mid adag, waanan ku faraxsanahay guusha aan gaadhnay waxa aan rajaynayaa in aan sii wadno guulaha”.

“Waxa aan ka hor tagay 3 daafac oo adag waligayna ma arkin daafacyo ka adag xitaa markii aan horyaalka Bundesliga joogay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here