Timo Werner Oo Aan Ku Faraxsanayn Qaab Ciyaareedkii Chelsea Ee Kulankii West Brom.

0
83

 

Timo Werner ayaa qirtay inuu ‘gabi ahaanba ku faraxsanayn qaab ciyaareedka Chelsea ka dib barbarihii 3-3 ee ay la galeen West Brom Sabtidii.

Kooxda Frank Lampard ayaa laga dhaliyay 3 gool 27-kii daqiiqo ee ugu horeeyay qaybta hore ee ciyaarta xilli ay kooxda West Brom u muuqatay kuwo dusha u saaraya guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah premier League.

Laakiin chelsea ayaa qaybtii dambe 3 gool dhalisay iyaga oo hal dhibic ka helay kulan ay u muuqdeen in ay guuldaro soo gaadhayso.

Werner ayaa wali raadinaya goolkiisii ugu horeeyay ee Premier League tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xiddiga ayaana ka niyad jabsan qaab ciyaareedkii kooxdiisu la gashay West Brom.

Qoraal uu soo dhigay barta Instagram-kiisa ayuu Werner yidhi”Waligeen isma dhiibayno Chelsa!, Gabi ahaanba kuma faraxsani qaab ciyaareedkeena laakiin waan dagaalanay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here