Thomas Partey Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League.

0
35

 

Thomas Partey ayaa qirtay inay Arsenal ku adkaan doonto ku guulaysiga horyaalka premier League laakiin ay tahay u jeedkiisa in uu Arsenal kula guulaysto kooxda kadib markii uu kaga soo biiray Emirates.

Gunners ayaa bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisii Atletico Madrid isaga oo maalintii ugu dambaysay ku soo biiray kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa 13 jeer ku guulaystay horyaalka Premier League laakiin aan ku guulaysan horyaalka tan ilaa xilli ciyaareedkii 2003/2004.

Saxiixa cusub ee Arsenal Partey ayaa yiri: ‘Qof walba wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto dhamaan koobabka suurtagalka ah ee lagu guulaysan karo, taasna waa ujeedkayga”.

“Waa arin adag in lagu guulaysto horyaalka premier League laakiin waxa aan ka shaqaynaynaa arintaas, waa in aan isku daynaa arintaas”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here