Thomas Partey Mise Houssem Aouar? Xiddiga Ay Arsenal Saxiixiisa Muhiimada 1-aad Ka Dhigatay Oo La Ogaaday.

0
103

 

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay mudnaanta siiso u dhaqaaqista xiddiga Atletico Madrid Thomas Partey xagaagaan inkastoo si xoogan loola xiriirinay xiddiga Kooxda Lyon ee Houssem Aouar todobaadyadii ugu dambeeyay.

Gunners ayaa la rumeysan yahay inay ka go’an tahay inay lasoo saxiixato khadka dhexe ah ka hor inta uuna suuqa kala iibsigu xidhmin laakiin ilaa haatan waxa ay ku dhibaatoonaysaa in ay wax horumar ah ka samayso labada xiddig ee ay bartilmaameedka ka dhigatay.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Athletic ayaa Sheegaya in ay kooxda Mikel Arteta gabi ahaanba ka hadhayso baacsiga ay ugu jirto xiddiga Houssem Aouar si ay awoodeeda isugu gayso saxiixa xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey ka hor inta uuna suuqu xidhmin todobaadka ugu horeeya ee bisha October.

Xiddiga reer Ghana ayaa kooxda Atletico Madrid kula jira heshiis ku eeg ilaa xagaaga 2023 waxana heshiiskaas lagu bur-burin karaa lacag dhan 45 milyan oo euro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here