Thiago Silva Oo Kashifay Sababtii Ugu Weynayd Ee Uu Ugu Soo Biiray Chelsea.

0
56

 

Daafaca cusub ee kooxda chelsea Thiago Silva ayaa qirtay in uu Frank Lampard ahaa sababtii ugu weynayd ee uu ugu soo biiray Chelsea xagaagan.

Daafaca reer Brazil ee 35 jirka ah ayaa Chelsea ugu soo biiray heshiiska xorta ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskii PSG isaga oo qalinka ku duugay heshiis hal sano ah iyo hal sano oo dookh ah.

Daafaca ayaa sheegay in kalsoonidii uu Frank Lampard u muujiyay inkasta oo uu gaadhay dhamaadkii xirfadiisa ciyaareed in ay door ka qaadatay in uu ku soo biiro Chelsea.

“Ugu horayn waxa aan chelsea u imid sababta oo ah waa koox fiican, mid ka mid ah kooxaha ugu weyn adduunka”ayuu Silva yidhi.

“Way ku caawinaysaa marka gacmo furan lagugu soo dhaweeyo gaar ahaan tababare sanado yar ka hor ka fadhiistay ciyaaraha, sababta oo ah kubada cagta waxa xidhiidh weyn ka dhexeeyaa labada xiddig oo da’ weyn”.

“Waxa aan xasuustaa markii uu ku biiray Man City waxa ay ahayd dhamaadkii xirfadiisa ciyaareed waxana uu maray wadadayda oo kale”.

“Sidaas darteed waxa uu garanayaa sida adga ee aan u shaqeeyo si aan u joogo heerka ugu sareeya, kalsoonidii uu i tusay ayaana igu qancisay in aan ku soo biiro Chelsea”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here