Thiago Silva ayaa kaso muuqday Tababarka Chelsea Ka Hor Kulanka Liverpool.

0
58

Waxa Arbacadii lagu arkay wajiyo cusub tababarka Chelsea xilli uu Thiago Silva ugu dambayn tababarka kula soo biiray xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Daafaca 35 jirka ah ayaa Blues ugu soo biiray heshis hal sano ah kadib markii uu si xor ah uga tagay kooxda PSG markii uu dhamaaday heshiiskiisu.

Silva ayaa 315 kulan u saftay kooxda reer France isaga oo 8 sano joogay kooxda ka dhisan caasimada dalka France ee Paris.

Thiago Silva ayaa tababarka kula soo biiray xiddigaha ay isku kooxda yihiin isaga oo ka qayb qaatay tababar yar oo kubada ah.

Sidoo kale waxa tababarka ku soo laabtay Ben Chilwell kaas oo seegay kulankii ugu horeeyay ee Chelsea sabab la xidhiidha dhaawac.

Thiago Silva ayaa haatan tartan wakhtiga la galaya si uu taam ugu noqdo kulanka adag ee ay kooxdiisu Axada la ciyaari doonto Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here