Thiago Alcantara Oo Ka Fal Celiyay Xanuunka Korona Ee Laga Helay.

0
60

 

Xiddiga kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa ka fal celiyay xanuunka Korona ee laga helay kadib markii ay kooxda Liverpool xaqiijisay.

Xiddiga reer Spain ayaa seegay kulankii ay kooxda Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League.

Kooxda Liverpool ayaa maanta xaqiijisay in xiddiga laga helay xanuunka Korona kadib markii uu muujiyay calaamada xanuunka maalintii jimcihii la soo dhaafay.

Xiddiga ayaa bogiisa Twitter-ka kaga fal celiyay qoraal kuna qoray “Waxa la gaadhay wakhtigii soo kabsashada”.

Thiago Ayaa kooxda Liverpool ku soo biiray xagaagan isaga oo kaga soo biiray kooxda Bayern Munich kadib markii uu kula guulaystay champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here