Tababaraha Xulka Qaranka Uruguay Oo Man United Arin Wal-Wal Leh Uga Sheegay Edinson Cavani.

0
52

 

Tababaraha xulka Uruguay Oscar Tabarez ayaa ka reebay Edinson Cavani xulkiisa kulamadii ay la ciyaareen xulalka Chile iyo Ecuador wuxuuna ka digay in weeraryahanku aanu taam u ahayn in uu ciyaaro kulamada.

Cavani ayaa Man United ku soo biiray Maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga waxana uu rajaynayaa in uu kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda ciyaaro kadib fasaxa xulaka.

Laakiin waxa laga yaabaa in uu seego kulanka Newcastle sabab la xidhiidha in uu galay karantiil 14 maalin ah walina tababarka la qaadan kooxda.

Tababare xulka Uruguay ee Tabares ayaa ka reebay xiddiga 33 jirka ah kulamada xulka qarankiisa sababta la xidhiidha in uuna xiddigu ciyaarin muddo 7 bilood ku dhaw.

Waxana uu Man United u sheegay in ayna arki doonin qaab ciyaareedka fiican ee xiddiga hadii ay ciyaarsiiyaan isaga oo aan taam ahayn.

“Waxa uu PSG ka tagay markii la kansalay horyaalka France sidaas darteed kulamo badan ma ciyaarin”ayuu Tabarez yidhi.

“Kadib markii uu PSG ka tagay markiiba ma helin koox cusub oo uu u ciyaaro”.

“Hadii la ciyaarsiiyo xiddig aan kulamo badan ciyaarin waxa ay dhaawacaysaa xulka qaranka”.

“Sababta oo ah waxa uu dareemayaa in uuna garanayn sida loo ciyaaro”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here