Taageerayaasha Liverpool Oo Loo Xaqiijiyay In Uu Thiago Alcantara Ku Soo Biiri Doono Reds

0
36

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in Thiago Alcantara uu dhawaan ku biiri doono Reds kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay Bayern Munich.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara xilli uu Klopp aaminsanyahay in uu yahay xiddig xoojin kara khadkiisa dhexe.

Carragher ayaa rumaysan in uu xiddiga reer Spain ka garab ciyaari doono xiddigaha Jordan Henderson iyo Fabinho waliba kooxda ka caawin doono in ay kubada haysato.

Carragher oo la hadlaya Daily Telegraph ayaa yidhi”Waxa uu ka soo baxay Akademiyada Barcelona”.

“Xiddigaha liverpool ee khadka dhexe waxa ay dhamaantood qabtaan shaqo fiican laakiin Thiago waxa uu ku soo kordhin karaa in ay in badan maamulaan kubada iyo waliba xirfad kale oo khadka dhexe ah”.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Beeleedkii Ka Dhacay Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here