Sidee Ayuu Jurgen Klopp U Buuxin Doonaa Booska Sadio Mane Kadib Markii Uu Xanuunka Korona Ku Dhacay.

0
70

 

Liverpool ayaa durba xilli ciyaareedkan u muuqatay kuwo aan la joojin karin xilli ay isku diyaarinayaan kulanka Aston Villa ee Axada laakiin diyaar garawga Reds ayaa dhirbaaxo la kulantay.

Sababta ayaa ah in kooxda uu Xanuunka Korona dhirbaaxo la helay kadib markii uu ku dhacay xiddigaha Sadio Mane iyo Thiago Alcantara kuwaas oo todobaadkan laga helay xanuunka.

Liverpool ayaa ku dhibaatootay kulankii Aston Villa xilli ciyaareedkii hore iyaga oo goolka guusha ka dhaliyay daqiiqadii 87-aad waxana ay Axada wajahayaan koox ka adag sidii xilli ciyaareedkii hore.

Sida Liverpoool, Aston Villa ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo badiyay 2-dii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareed horyaalka.

Waxa Reds ka maqnaan doona Sadio Mane kaas oo ah xiddigii u dhaliyay goolka guusha xilli ciyaareedkii hore markii ay 2/1 uga badiyeen waxana shaki la’aan ah in ay tabi doonaan xiddiga reer Senegal marka loo eego in uu 3 gool dhaliyay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.

Shabakada TalkSPORT Ayaa sheegaya in uu xiddiga Diogo Jota ka ciyaari doono booska Sadio Mane ee shaxda Reds kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Klopp will expect this team to get the better of Villa, however

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here