Shkodran Mustafi Oo Arsenal U Sheegay Go’aanka Ku Aadan Mustaqbalkiisa Kooxda

0
69

Daafaca Arsenal Shkodran Mustafi ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay kooxda inuu doonayo inuu baxo ka dib markii uu diiday Heshiis cusub oo ay kooxdu u soo bandhigtay.

Heshiiska xiddiga 28 jirka ayaa dhiic doona sanadka dambe taas oo la macno ah in uu wadahadalo la qaadan karo kooxda uu doonayo suuqa January.

Wargayska football.london ayaa sheegaya in ay Arsenal xiddiga Mustafi u soo bandhigtay heshiis laakiin uu xiddigu iska diiday una sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda marka uu heshiiskiisu dhamaaday.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo horyaalka Serie A-da si uu ugu dhawaado qoyskiisa oo ku nool halkaas.

Mustafi ayaa kaliya hal kulan u saftay Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo dhaawac jilibka ah ka soo laabtay kulankii Leicester City.

Source: somalifootball

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here