Sheeko Cusub: Suarez Oo Lagu Soo Waramayo In Uu Qishay Imtixaan Uu U Galay Luuqada Talyaaniga.

0
58

 

Guarda di Finanza ayaa baaritaan ku sameysay imtixaankii luuqada Talyaaniga ee uu Luis Suarez galay waxana lagu soo waramayaa in uu xiddiga reer Uruguary horay u sii ogaa dhamaan su’aalaha la waydiinayay.

33 jirkaan reer Uruguay ayaa umuuqday mid qarka u saaran inuu u wareego kooxda Juventus waxana uu xitaa u fadhiistay imtixaan luuqada talyaaniga si uu ubilaabo qaadashada baasaboorka talyaaniga.

Wargayska La Repubblica ayaa shaaca ka qaaday khaladaad ay ka heleen Guardia di Finanza iyo xafiiska dacwad oogaha ee Perugia imtixaankii shahaadiga ahaa ee uu maray usbuucii hore.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Su’aalaha tijaabada ee Talyaaniga uu xiddigu horay u sii ogaa ka hor intii uuna Imtixaanka u fadhiisan.

Juventus ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga laakiin heshiiska ayaa bur-buray maadama uu ku dhacay in uu helo baasaboorka talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here