Sheeko Cusub: Barcelona Oo Laga Ganaaxay Saxiixa Xiddig U Ciyaara Liverpool.

0
46

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in lagu qasbay in ay ka hadho baacsiga ay ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum wakhti xaadirkan.

Iyadoo tababarihii hore ee Holland Ronald Koeman uu haatan maamulo garoonka Camp Nou, Wijnaldum ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu u wareegayo Catalonia inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Si kastaba ha noqotee, saameynta dhaqaale ee cudurka Korona ayaa sabab u noqotay in ay kooxdu yarayso lacagaha ay suuqa galinayso.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in kooxda Barcelona laga hor istaagay in ay samayso wax saxiix cusub ah ilaa inta ay yaraynayso mushaharka ay bixiso ee ka badan 510-ka milyan oo euro taas oo la macno ah in ayna u dhaqaaqi karin saxiixa xiddiga Wijnaldum.

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here