Shaxda Ugu Fiican Todobaadkii 3-aad Ee Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
88

 

Waxa xalay la soo afjaray todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League iyada oo ay dhacday lama filaano aad u waaweyn todobaadkan.

Kooxda Leicester City ayaa xasuuqday kooxsa Man City iyaga oo 5/2 ku garaacday dhabarkana City u saartay guuldaradii ugu horaysay.

Dhanka kale Chelsea ayaa bar-baro dirqi ah la gaadhay kooxda West Brom kadib markii 27 daqiiqo gudohood looga dhaliyay 3 gool kooxda chelsea.

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn 3/1 ku garaacday kooxda Arsenal kulankii ugu xiisaha badnaa todobaadka horyaalka premier League.

Hadaba shabakaca BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee todobaadka 3-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Leeds United ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxaha Man United iyo Aston Villa ku leeyihijn min 2 xiddig.

Kooxaha Liverpool, Everton, Leicester City & Southampton ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kadib todobaadkii 3-aad ee premier Legaue.

Garth Crooks' team of the week

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here