Shaxda Ugu Fiican Todobaadka 2-aad Ee Premier League Oo La Soo Saaray.

0
61

 

Waxa xalay la soo afjaray todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii xalay la ciyaaray kulankii ay Man City garaacday kooxda Wolves.

Todobaadkan kooxaha Arsenal, Liverpool, Tottenham, Man City, Everton, Leicester City iyo kooxo kale ayaa dhamaan guulo ka gaadhay kulamadoodii horyaalka premier league.

Dhanka kale kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa ah kooxaha ugu waaweyn ee guuldarooyinka la kulmay premier League todobaadkan.

Waxa jiray xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay premier League todobaadkan kuwaas oo kooxohooda guulo ku hogaamiyay.

Saxafiga BBC Sports ee Garth Crooks oo todobaad walba BBC-da u qaabilsan in uu soo saaro shaxda ugu fiican premier League ayaa soo saaray shaxda ugu fiican prmeier League todobaadkan.

Garth Crooks ayaa shaxdiisa ku soo daray 3 xiddig oo Liverpool ah, 2 xiddig oo Everton ah iyo 2 Xiddig oo Crystal Palace ah halka min hal xiddig ku leeyihiin kooxaha Aston Villa, Brighton, Man City iyo Tottenham.

Garth Crooks' team of the week (in 3-4-3 formation): Alisson; Lamptey, Fabinho, Konsa; McArthur, De Bruyne, Rodriguez, Zaha; Son, Mane, Calvert-Lewin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here