Shaxda Ugu Fiican Arsenal Kadib Markii Uu Thomas Partey Ku Soo Biiray Gunners.

0
112

 

Kooxda Arsenal ayaa si fiican ku dhamaystay suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay dhamaystireen saxiixa Thomas Partey maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Mikel Arteta ayaa si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Ghana kaas oo wax weyn ku soo kordhin doona kooxda xilli ciyaareedkan.

Wargayska Mirror Sport ayaa soo saaray shaxda ugu fiican ee Arsenal kadib markii uu Thomas Partey ku soo biiray kooxda Isniintii.

Xiddiga reer Ghana ayaa booska kala bixi doona xiddigaha Mohamed Elneny iyo Granit Xhaka isaga oo ku bilaaban doona khadka dhexe ee daafaca.

Sidoo kale shaxda Gunners ayay weerarka hogaamin doonaan xiddigaha Pepe, Lacazette iyo Aubameyang kuwaas ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in meesha laga saaray xiddiga cusub ee Willian inkasta oo uu ku bilowday dhamaan 4-tii kulan ee ay Arsenal ciyaartay.

How Arsenal could line up after Thomas Partey transfer signing - Mirror Online

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here