Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United Vs Luton Town- Ayuu Solskjaer Kulankan Ku Soo Bilaabay?

0
53

Man United ayaa marti u ah kooxda horyaalka heerka labaad ee Luton Town waana kulan ka tirsan tartana Carabao Cup. Man United oo guuldaro xun ku bilaabtay horyaalka Premier league ayaa doonaysa in ay hesho guushii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan.

Man United ayay ceeb wayn ku noqon doontaa haddii ayna guul wayn ka soo gaadhin kooxda Luton Town iyada oo guuldaradii kulankii Crystal Palace ee Premier league uu cadho badan ku abuuray jamaahiirta United.

Tababare Solskjaer ayaa goolkiisa ku soo bilaabay Henderson kaas oo helay fursadii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan ee Man United si uu cadaadis ugu bilaabo goolhaye David De Gea.

Laakiin Harry Maguire ayaa ah xidiga kaliya ee shaxdii Crystal Palace ee Man United ku jiray ee kulankan lagu soo bilaabay iyada oo 10 kii kale ee ciyaartoy uu Solskjaer badalay.

Difaaca dhexe waxaa lagu soo wada bilaabay Harry Maguire iyo Eric Bailly kadib qaladaadkii Victor Lindelof ee kulankii Crystal Palace halka difaaca midig iyo bidix ay ku kala jiraan Wan-Bissaka iyo Williams.

Fred iyo Matic ayaa dhexda danbe ee burburiyaha lagu soo wada bilaabay waxaana ka horeeya Van De Beek oo mariii ugu horaysay shaxda Man United lagu soo bilaabay.

Jaun Mata iyo Jesse Lingard ayaa garbaha weerarka ku soo bilawday iyada oo weerarka dhexe uu ku soo bilawday Ighalo.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Luton Town vs Man United

Man United XI:Henderson, Wan-Bissaka, Williams, Bailly, Maguire, Fred, Matic, Mata, Van de Beek, Lingard, Ighalo.

Kaydka: Grant, Dalot, Mengi, Fernandes, James, Greenwood, Rashford.

Luton Town: Shea, Tunnicliffe, Bradley, Hylton, Shinnie, Moncur, Lockyer, Clark, Kioso, Norringhton-Davies, Lualua.

Kaydka: Sluga, Cranie, Pearson, Cornick, Lee, Mpanza, Collins.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here