Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Caawa Kaga Hor Tagto Luton Town

0
40

 

Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Luton Town Kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka Carabao Cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Kenilworth Road.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay ka soo kabsato guuldaradii Crystal Palace ka soo gaadhay premier League kulanka caawa ee tartanka Carabao Cup.

United ayaan muhiimada siin doonin ku guulaysiga Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay ka go’antahay in ay guul gaadho si ay dib ugu soo laabato wadada guulaha ka hor kulankooda Brighton.

Solskjaer ayaa is badal ku samayn doona shaxdiisa isaga oo kaydka dhigi doona xiddigo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan si uu u nasiyo kulanka todobaadka dambe.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo saaray shaxda laga Yaabo United ku ciyaaro kulanka caawa ee tartanka Carabao Cup.

POSS MAN UTD XI vs. LUTON

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here