Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga hor tagto Kulanka Caawo Kooxda Lincoln City

0
86

 

Liverpool ayaa bilaaban doonta tartanka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan iyaga oo caawa booqan doona kooxda League one ka ciyaarta ee Lincoln City kulan ka dhici doona garoonka LNER Stadium.

Reds ayaa laba guul ku bilaabatay difaacashadooda horyaalka premier League iyaga oo Axadii 2/0 ku garaacay kooxda chelsea kulankoodii 2-aad.

Si kasta ha ahaatee Klopp ayaa la filayaa in uu si weyn is badal ugu sameeyo shaxdiisa kulanka Lincoln isaga oo nasin doona xiddigaha muhiimka u ah.

Xiddiga cusub ee Diogo Jota ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Reds iyo waliba daafaca Bidix ee Kostas Tsimikas kuwaas oo kulanloodii ugu horeeyay ee Rasmi ah ku bilaaban doona.

Sidoo kale waxa la filayaa in ay shaxda ku bilowdaan Adrian, Neco Williams, Curtis Jones, Nat Phillips & Sepp van den Berg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here