Shaxda Laga Yaabo In Ay Chelsea Kaga Hor Tagto Barnsley, Laba Saxiix Oo Cusub Ayaa Kulankoodii Ugu Horeeyay Ciyaari Kara.

0
81

 

Chelsea ayaa doonaysa in ay halka dambe iska dhigto guuldaradii ka soo gaadhay Liverpool marka ay wajahayaan kooxda Barnsley kulan ka tirsan Carabao cup-ka wareega 3-aad.

Blues ayaa marti galin doonta kooxda ka ciyaarta Championship-ka wareega 3-aad ee tartanka Carabao Cup kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Tababare Frank Lampard ayaa  la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa kadib qaab ciyaareed xun oo ay soo bandhigeen kulankii Liverpool.

Goolhaye Willy Caballero ayaa ku bilaaban doona shaxda isaga oo badali doona Goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii Liverpool.

Xiddigaha Thiago Silva Iyo Ben Chilwell ayaa laga yaabaa in ay markii ugu horaysay kulan Rasmi ah ugu ciyaaraan kooxda Chelsea.

Xiddigaha Ruben Loftus-Cheek, Jorginho Iyo Ross Barkley ayaa dhankooda ku bilaaban kara khadka dhexe ee kulanka caawa.

Dhanka kale xiddiga Tammy Abraham ayaa hogaamin doona weerarka Blues kadib markii uu iska dhex waayay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka.

Here's one way the Blues could start against Barnsley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here