Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Caawa Kaga Hor Tagto Leicester City

0
65

 

Xiddiga da’yarka ah ee Eddie Nketiah ayaa hogaamin kara weerarka Arsenal kulanka caawa ay Gunners la ciyaari doonto kooxda Leicester City kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka Carabao Cup.

21 jirkaan ayaa dhaliyay goolka guusha ee Gunners kulankii bilowgii todobaadkan ay 2/1 uga badiyeen kooxda West Ham.

Mikel Arteta ayaa u muuqda inuu nasinayo xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Kieran Tierney ayaa sidoo kale qarka u saaran inuu seego ka dib markii laga saaray kulankii West Ham sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Bernd Leno ayaa sii haysan doona booskiisa Goolka hortiisa inkasta oo ay kooxdu la soo saxiixatay Goolhaye Alex Runarsson.

Xiddigaha Ainsley Maitland-Niles & Cedric Soares ayaa ku bilaaban doona labada daafac ee garabka kulanka halka William Saliba safan karo kulankiisii ugu horeeyay.

David Luiz ayay u badantahay in uu ku bilowdo kadib markii uu ka soo kabsadaydhaawac waxana uu ka garab ciyaari doonaa xiddigaha Saliba & Rob Holding.

Xiddigaha Mohamed Elneny & Granit Xhaka ayaa ku bilaaban kara khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyada oo uu Bukayo Saka ku bilaabn karo garabka weerarka isaga oo ka garab ciyaari kara Nicolas Pepe.

Here's how Arsenal could line-up for the match

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here